Dood ka taagan calan lagu arko xarun wayn oo ay leedahay DF Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Jan 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdi Saciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda  Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid dalka.

”Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu bilaabay qoraal ay faafisay WAD Somalia.

”Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.” ayaa la raaciyey.

Yeelkeede, midda dareenka dadwaynaha soo jiidatey waa calanka Midowga Afrika oo marar badan lagu arkayo Xarunta Wasaaradda isagoo dhanka bidix ka xiga Wasiirka Wasaaradda A. Dibedda DF Somalia.

Xarumaha kale ee DF Somalia iyo sidoo kale bandhigga Calanka Somalia ee dhacdooyinka kale ayaan sidoo kale lagu arag calankan.

Marka la eego Xeerka maamuuska Calanka Midowga Afrika oo ay ku midaysan yihiin ilaa 55 dal, kuma jiro wax dalalkaasi ku khasbayaan inay si rasmi ah usoo bandhigaan Calanka AU, sida midka dalalka EU.

”Calanka AU wuxuu leeyahay qiyam munaasabadeed waxaana adeegsan kara saraakiisha sare ee ka tirsan maamulka Midowga Afrika, wuxuuna ka kooban yahay khariidadda Afrika oo lagu hareereeyey 55 xidigood oo u taagan 55 dal oo xubno ka ah.” ayaa ku qoran hab-maamuuska Calanka AU, taasoo ka dhigan in aan dalalku ku khasbanayn inay Wasaaradaha geeyaan calankan iyo ururka uu u taagan yahay oo aan wax badan ka qaban xitaa xallinta xiisadaha ka dhexeeya dalalka Afrika iyo dal kasta dhexdiisa.

 

Hadalsame Media