Siyaasi reer Brazil ah oo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrin uu Ingiriisku ugu faano Somalia (Daawo doodda)

0

(Brasilia) 19 Jan 2022 – Dood kulul oo ka dhacday dalkaasi Brazil una dhaxaysey siyaasiyiinta dalkaasi ayaa waxaa lagu soo qaatay sababta ay arrimaha dalka Somalia u murugsan yihiin muddo 40 sano ka badan.

Doodda ayaa waxaa Brazil ka bilaabay siyaasiga iyo aqoonyahanka Sergio Fernando Moro oo Wasiirka Cadaaladda iyo Ammaanka ka noqday DF Brazil, kaasoo sidoo kale ah Profesor jaamacadeed.

Guddoonka Xisbiga Shuuciga ah ee PSB/DF ee dalkaasi Brazil, Rodrigo Dias, oo sidoo kale ah nin u dooda xuquuqul insaanka islamarkaana xuquuqda aadanaha ugu qaybsanaan jirey DF ee Brazil ayaa arrintan uga soo jawaabey boggiisa Twitter-ka.

”Yaa ku doodaya in Ingiriisku uu kaga koritaan fiican yahay Somalia sabab la xiriirta hay’aadkiisa (xooggan?)” ayuu is waydiinayaa qof ka mid ah dadka doodda ka qaybgelaya.

”Waxaan qabaa sababtu waa gumaysiga, addoonsiga, dhiig-miiradka iyo dabar-goynta oo si wanaagsan u sharaxaya farqiga u dhexeeya labadaa adduun.” ayuu raaciyey.

LAFA-GUR WARKAN LA XIRIIRA – Somalia ayaa run ahaantii ka mid ah dalalka ay saamaynta xun ku yeesheen siyaasadda gumaysigii reer Yurub oo marka laga soo tago inay uga hiilliyeen dalalka deriska ah misna cadow istaraatiji ah u abuuray, balse waxaan la dafiri karin xaqiiqada ah inaysan Somalia lafteedu la imanin caqli iyo cindi ay uga dabaalato waaqica ay dhaxashay, iyadoo ilaa maanta xaglaha ku sidata siyaasad moolka iyo meermeertada uun kusii fogaynaysee aan marna berriga u saarayn, taasoo ay wakiilka koowaad ka yihiin siyaasiyiinta iyo shacbiga Soomaalida ee iska taageeraya.

Tusaalaha nooli waa in aan maanta taagan nahay marxalad aan isla gumaysigii 70 sanadood kahor Somalia ka tegey u ag fadhinno inuu sidii cunno xeero ku jirta dhankii uu doono naga cuno annagoo weliba ku faraxsan inaan noqonno midka loogu hor cunayo, weliba gumaysi ay koow ka yihiin kuwii aynigeenna ahaa ee nala wada gumaystey.

Hadalsame Media