Shiinaha oo maraakiib soo dhoobay xeebaha Somalia & DF Somalia oo qaadatay go’aan ay doodi ka taagan tahay

0
Chinese navy soldiers moor the Japan Maritime Self-Defense Force destroyer JS Suzutsuki (DD 117) at Qingdao Port for the 70th anniversary celebrations of the founding of the Chinese People's Liberation Army Navy (PLAN), in Qingdao, China, April 21, 2019. REUTERS/Jason Lee

(Hadalsame) 19 Jan 2022 – Dowladda Shiinaha ayaa saddex markab oo ay leedahay waxay aay kasoo dirtay dekadda Guangdong, kuwaasoo haatan gaarey Gacanka Cadmeed, si ay uga qayb qaataan howlgallada caalamiga ah ee la sheego in ”lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaaliya.”

Yeelkeede, iyada oo waqtiga Soomaaliya uu ku egyahay bisha Maarso, su’aasha ugu muhiimsan ayaa ah intee in le’eg ayay qorshaha iyo ciidamada baddu sii joogi karaan biyaha Soomaaliya?

Markaakiibtan dagaal ee Shiinuhu soo diray waxaa ku rakiban gantaalaha la hago ee loo yaqaan Hohhot, waxaana la socda daraasiin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo laba dayuuradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah.

Mar sii yara horreeysey, Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay waqtiga yar ee howlgalka la dagaallanka burcad badeedda ka harsan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in laga fekero sidii loo kordhin lahaa.

Bishii December, golaha ammaanka ayaa kordhiyay muddo saddex bilood ah waajibaadka howgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay rabto in howlgalkaas lasoo afjaro, balse ma jiro qorshe biddaal ah oo ay keentay, waxaana dhici karta inay taasi keento inay dib usoo laabtaan shirkadihii gaarka ahaa oo marna ka kalluumaysta marna sun ku quba xeebaha Somalia.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in Soomaaliya ay ka joogsadeen howlihii burcad badeedda loona baahan yahay in Soomaaliya iyada lagusoo wareejiyo ammaanka baddeeda.

Taasoo ah aragti wanaagsan, balse Somalia ilaa haatan ma laha ciidan badeed oo leh khibrad iyo tas-hiilaad sugi kara ammaanka xeebta dheer ee Somalia.

Dhanka kale, dalalka dhooban xeebaha Somalia ayaan dabcan joojinin kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Somalia, taasoo aan hakan doonin inta laga helayo ciidan Soomaaliyeed, balse ugu yaraan waxaa dhacda inaysan isku raacin in sun lagu qubo badda amaba ay iyagu isa sheegaan, maadaama ay halkaa joogaan dalal is diiddan oo aan saaxiibbo wada ahayn, waxaa sidoo kale qabanaya xeerka caalamiga ah si ka duwan shirkadihii qowlaysatada ahaa ee joogey xeebaha Somalia, taasoo ay faa’iido yar oo khayr madow ihi ugu jirto Somalia.

Madaxda Somalia ayaa alaaba la yimaada siyaasado qar iska tuur ah oo aan keenaynin natiijo iyo xaasil la fahmi karo, iyadoo joojin bidaal la’aan ah oo lagu sameeyo ciidanka jooga xeebaha Somalia aysan keeni doonin xal ka fiican midka haatan, inta dib looga howlgelinayo Ciidankii Badda Somalia.

Hadalsame Media