Su’aal ka taagan sababta uu MW Farmaajo u qaabili waayey Danjiraha Sucuudiga

0

(Muqdisho) 18 Jan 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DF Somalia, Cabdi Saciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomey Danjiraha cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Danjire Axmed ayaa lagu qaabiley Xarunta Wasaarad Dibadeedka DF Somalia halkaasoo uu waraaqaha uga guddoomey Wasiir Cabdi Siciid.

Waxaa caadiyan shaqadan waraaqo ka guddoomista ah Danjiraha ay si rasmi ah uga mid tahay howlaha Madaxwaynaha sida muuqatana ma qaabilin MW Farmaajo oo beryihii dambe Danjireyaal badan qaabilayey.

Arrintan ayaan weli wax jawaab ah looga helin Madaxtooyada DF Somalia maadaama uu Sucuudigu ka mid yahay dalalka muddada dheer xiriirka la lahaa Somalia.

Hadalsame Media