Garsoore Marco Serra oo ciyaarta kaddib sameeyey arrin kasii yaab badan raalligelintii uu bixiyey

0

(Hadalsame) 18 Jan 2022 – Garsoore Marco Serra oo qabanayey kulankii Milan-Spezia, ayaa ku kacay khalad aad u wayn oo xitaa keenay inay raalligelin bixiyaan isaga iyo Hay’adda Garsoorayaasha Talyaaniga oo uu Gudoomiye Xigeenkoodu joogey garoonka San Siro.

Serra ayaa dhigay khalad laga galay laacib Milan tiiyoo ay kubaddu gaartey laacibkii loo baasay oo weliba gool dhaliyey daqiiqaddii 92-aad taasoo Milan siin lahayd hoggaanka ciyaarta oo 2-1 noqon lahayd. Waxaa kasii daran in markii uu goolka saxda ahaa diidey Milan gool kale laga dhaliyey daqiiqaddii 96-aad taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 Milan looga badiyey.

Yeelkeede, Corriere della Sera, ayaa qoraya in garsooruhu uu aad u garowsaday khaladka uu galay isagoo raalli gelin ku bixiyey garoonka, waxaa xitaa dhacday inuu ilmeeyo, iyadoo ay garsoorahan da’da yar ay xitaa dejiyeen ilaa 5 laacib oo Milan ah oo uu ku jiro Ibrahimovic oo ugu tegey qolka lebbiska, sida uu qorayo isla Corriere.

Ciyaartan ayaa aad muhim ugu ahayd AC Milan oo xalay hoggaanka ku qaban lahayd hal dhibic haddii ay badin lahayd, waloow aan sidoo kale la amaanin bandhigga guud ee kooxda.

Hadalsame Media