Daroon kale oo lagu dul arkay Qasriga Boqorka Sweden & wershad leh quwadda nukliyeerka (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 18 Jan 2022 – Xalay ayaa waxaa booliska soo gaadhay warbixin ku saabsan in aaladaha iskooda u duula ee daroonka (drönare) lagu arkay agagaarka xarunta dhalinta quwadda nukliyeerka ee Forsmark ee gobolka Uppland.

Sidoo kale ayaa xalay dusha dhismaha Boqorka Iswiidhan magaalada Stockholm lagu arkay qalabkan, waa sida ay sheegayso warbixin soo gaadhay wargeeyska Expressen. Jonas Eronen ayaa qaybta warfaafinta u qaabilsn booliska.

”Shaqaalaha booliska ayaa ishooda ku arkay qalabka duula dusha xaruunta dhalinta quwada nukliyeerka, waxaan hadda baadhayna halka uu ka yimid iyo sababta lagu meeleeyay goobta.” ayuu yiri.

Hadalsame Media