(Istanbul) 16 Jan 2022 – Turkey ayaa si maxalli ah u samaystay hannaanka jooga wax gana ee VLS kaasoo uu ku bedeli doono kuwa uu soo iibsado si uu ugu qalabeeyo maraakiibta dagaalka ee uu dhisayo mustaqbalka dhow, sida uu sheegay MW Recep Tayyip Erdoğan.
Erdoğan oo ka hadlayey hoosada maraakiibta lagu dhiso ee Istanbul Shipyard oo ciidamada dalkaasi lagula wareejiyey markabkii ugu horreeyey ee sirdoon iyo sahan loogu tala galay, ayaa sheegay in ay hadda kahor shirkado qalaad u dhisi jireen hannaanka VLS balse hadda kaddib ay iyagu iskaga fillaanayaan.
Markabkan oo sidoo kale tababarka loo adeegsan doono, waa TCG Ufuk (A-591) waxaana lagu dhisay agab maxalli ah iyadoo Jimcihii lagu wareejiyey hay’adda Sirdoonka Qaranka ee MIT oo howlgallo sirdoon la samaynaysa Ciidanka Badda Turkiga.
Erdoğan, ayaa dhanka kale sheegay in hannaanka ganitaanka joogga ah ee VLS, oo loo adeegsado in laga tuuro gantaalaha 90-ka digrii iwm sare u baxaya marka hore lagu qalabayn doono markabka Istanbul Frigate, kaasoo a markabkii 5-aad ee lagu dhiso mashruuca ballaaran ee MILGEM kaasoo la bilaabay sanadkii tegey.
Turkiga ayaa la kulmay cunaqabatayno aad ugu adkeeyey inuu hannaankan ka helo dalal uu la lahaa iskaashi farsamo iyo mid ammaan.
Mashruuca MILGEM, ayaa ilaa 4 maraakiibta corvette-ka ah u dhisay Ciidanka Badda, iyagoo sidoo kale maraakiib kale u dhisay dalalka xulufada iyo saaxiibka ah sida Pakistan iyo Ukraine.

Hadalsame Media