”Ma doonayno in nala gaado!” – Daroon loo malaynayo inuu Ruush yahay oo lagu dul arkay wershado nukliyeerka ku shaqeeya & Sweden oo heegan ku jirta

0

(Hadalsame) 16 Jan 2022 – Waxaa dalka Sweden meel ay ku taallo wershada kuwa soo saara tamarta nukliyeerka ah lagu dul arkay daroon halkaa heehaabaya, iyadoo ay booliisku ku cayrsadeen dayuurad qumaati u kacda, balse markiiba waayey, sida ay sheegtay Petra Blomkvist, afhayeenka booliis-qaybeedka bartamaha dalka.

Waxaa daroonkan sidoo kale shalay laga soo sheegay wershado kale oo kuwa nukliyeerka ah oo ku yaalla magaalooyinka Ringhals iyo Oskarshamn, sida ay sheegeen shaqaaluhu, waloow aanu booliisku waxba arag. Markab la sheegay inuu Ruushku leeyahay ayaa isna laga sheegay badda Baltic-ga.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Sweden ayaa ciidan badan gaysey gasiiradda Gotland oo ku dhex taalla Badda Baltic ama Östersjön sida ay Sweden u taqaan. Halkan hoose ka dhegeyso.

 

Sweden ayaa ku jirta qorshe ay ku ballaarinayso ciidankeeda daafaca, iyadoo xarigga ka jartay qaybta cusub ee Västernorrland 121, taasoo u xil saaran dhanka Sollefteå iyo Östersund.

Waxay qaybtani ka mid tahay ilaa 5 qaybood oo Sweden lagu kordhinayo, iyadoo sanad kahor la go’aamiyey in sanad kasta 8,000 oo askari lagu kordhiyo ciidamada tan iyo 2030-ka.

Magnus Christansson oo ah cilmi baare dhanka istaraatijiyadda ah oo ka tirsan dugsiga culuunta gaashaandhigga ee Försvarshögskolan ayaa arrintan ku tilmaamay in Sweden aysan doonayn in ”Ruushku uu markale ka yaabiyo ama kediyo.”

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ee Peter Hultqvist (S) ayay mucaaradku ku dhaliileen diidmada uu ka muujiyey in ay dowladdu caddayso inay ku biiri karto Gaashaanbuurta NATO haddii ay u baahato.

Sanad kahor ayay xisbiyada mucaaradku intooda badan isku raaceen in dowladdu ay dookhaas ka dhigto mid furan, waana xisbiyada M, SD, C, KD iyo L.

“Dowladda kuma jiro hammi ah inay bedesho xaaladda siyaasadda ammaan ee haatan jirta.” ayuu yiri Hultqvist oo shalay waraysi siiyey wakaaladda Ekot.

Sweden ayaan caadiyan ka tirsanayn Gaashaanbuurta NATO balse waxay la leedahay wadashaqayn, iyadoo ka carootey Ruushka oo diidmo ka muujiyey inay ururkaa ku biirto xitaa mustaqbalka.

Hadalsame Media