Moowjado culus oo sunaami ah oo kusoo wajahan dalalka Japan & Maraykanka (Dhererkooda)

0

(Tokyo) 15 Jan 2022 – Waxaa laga digayaa moowjado sunaami ah oo kusoo wajahan dhamaanba xeebaha bari ee dalkaasi Japan iyo xitaa gasiiradaha silsiladda ah ee koonfurta dhaca ee Amami iyo Takara.

Sunaamigan ayaa waxaa u sabab ah dhowr qarax oo foolkaano ah oo ku dhuftay jasiiradda Badda Deggan ku taalla ee Tonga, waxaana digniintan sidoo kale la gaarsiiyey dalal kale oo qaaqama baddaasi sida Maraykanka.

Qaraxa foolkaanahan ayaa la sheegay inuu aad u qara wayn yahay waxaana xitaa laga soo arkayaa hawada sare, sida ay xogtu sheegayso.

Dadka deggan xeebaha iyo xitaa webiyada qarkooda ayaa la faray inay u baxaan dhulalka sare ee ugu dhow saacadaha ugu horreeya ee berri oo Axad ah bishuna ay tahay 16, iyadoo la filayo moowjado dhereran ilaa 3 mitir.

Warbaahinta maxalliga ah qaarkeed ayaa werinaysa in moowjaduhu ay durba soo gaareen xeebo ay ka mid yihiin Tohoku iyo Okinawa iyadoo Japan-ku ay haatan durba Axad galeen.

Hadalsame Media