Baarlamanka Somaliland oo la isku dagaalay & xildhibaan caan ah oo la feerey (Daawo)

0

(Hargaysa) 15 Jan 2022 – Waxaa la isku dhex feerey Aqalka Wakiillada Somaliland saaka oo Sabti ah sida ay muujinayaan muuqaallo si toos ah loo qabtay.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo caan ku ah magaca ”Xidhibaan Ooyaaye”, ayaa ka mid ah labada xildhibaan ee uu gacan ka hadalku dhexmaray, halka midka kale oo isagu gacan qaadka bilaabay aynaan magaciisa weli helin.

Baarlamanka ayaa saaka u fadhiyey Miisaaniyadda 2022-ka, waana markii 2-aad ee ay xildhibaanno is feeraan tan iyo fadhigii ay isna foowdadu ka oogantey ee bishii tagtay.

Siyaasadda Soomaaliya ayaan badiyaaba ahayn mid fadhida oo ay gacanta ku hayaan dad waaqici ama xilkasnimo badan muujiya, waloow in baarlaman la isku feeraa ay meelo badan ka dhacdo.

Hadalsame Media