Sidee laga yeelayaa go’aannadii ay horey u gaareen xubnaha guddiga khilaafaadka doorashada ee xilalka laga qaaday? (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Xil ka qaadistii xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada dhowaan lagu sameeyay, eedaha la xiriira gudigaas, iyo wax laga yeelayo go’aanadii ay horey u gaareen ayaa ka mid ah su’aalo badan oo hawada ku callaqan.

Waxaa dadka xilka laga qaaday ka mid ah Maxamed Xasan Cirro, Guddoonkii hore ee Guddiga Doorashada Federaalka, kaasoo qaba in faragelin siyaasadeed darteed xilka looga qaado.

”Khilaafka guddiga waxaa iiga daran faragelin iyo kala qaybin dibadeed waa waxa dhibta keenay.” ayuu yiri Cirro oo aan cidna farta ku fiiqin.

Hoos ka dhegeyso Barnaamijka Bandhigga VOA oo todobaadkan arrintan lagu eegayo.

Hadalsame Media