Arrinta dayuuradda Masar ee uu Wasiirku sheegay waxaa ku jira 2 KHALAD oo ay kala galeen MW Farmaajo & Wasiirka laftiisa

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diiday deeq dawo ahayd oo uga imaan lahayd dalka Masar, ai ”aanay uga caraysiinin dalka Itoobiya”, sida uu yiri.

Wasiirkii hore ayaa wareysi uu siinayay TV-ga BS TV ku sheegay in Villa Somalia ay xitaa dalka Masar ka codsatay ”in aanay soo dirin diyaarad ciidan oo ah nooca yahay Hercules C-130” oo deeq caafimaad oo ay Jaamacadda Carabtu bixisay usoo qaadi lahayd Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xitaa intaa raaciyey in Soomaaliya iyada oo ilaalinaysa xiriirka Itoobiya in xitaa diiday in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababaro dalka Masar, waxaa sidoo kale Qaahira loo diidey dhul ay Safaarad ka dhisato oo ay Muqdisho ka doonaysey, si loo qanciyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo, sida uu yiri.

Haddaba, arrintan ayaa haddii ay u dhacday sida uu wasiirku u sheegayo waxaa ku jira 2 khalad oo waawayn oo uu mid galay Farmaajo midna Wasiirka laftiisu:

1 – MW Farmaajo waa qofka ugu sarreeya dalka ee ay saaran tahay mas’uuliyadda ku saabsan ilaalinta danaha qoowmiga ah ee Somalia, tan kale, xiriirka caalamiga ihi kuma shaqeeyo mana aha in lagu xiro dano shakhsi ah, sidoo kale xiriirka aad dal la leedahay ma aha inuu keeno inaad xumayso dal kale, waayo taasi waxay ka hor imanaysaa madax bannaanida gayi ee Somalia iyo xitaa xaqa ay u leedahay inay doorato wixii u dan ah.

Waxaa dheer in Masar ay ka mid tahay dalalka xiriir ahaan noogu dhow waloow ay wax badani juustayn iyo dib u sixid u baahan yihiin, sida inay Masar lafteedu fahamto inaysan noo adeegsan karin can-tallaal ay u taagto Itoobiya iwm. Somalia haatan way jirtaa da’ iyo waayo aragnimo ay ku garato sida uu u shaqeeyo xiriirka caalamiga ihi, mana aha mid ku dhisan sida uu MW ama RW doonayo, balse wixii ay dani ugu jirto Somalia. Halkaa MW Farmaajo wuxuu ku sameeyey khalad aad u baaxad wayn wuxuuna gabay dalkiisii.

2 – Wasiirka marka ay timaado inta badan madaxda Soomaalidu marka ay xilka hayaan waa aamusaan, balse marka ay meesha ka tagaan ayay afka furtaan, dhaqankaas oo ay ka muuqato danaysi iyo daacad yari. Haddii arrintan uu arkay waxay ahayd inuu markiiba dood ka keeno haddii loo baahdana is casilo, balse taasi ma dhicin sida muuqatana isagoo tiisa eegaya ayuu u gigsadey khaladkaa isagoo weliba ah diblomaasiga ugu sarreeya dalka. Marka isna khalad ayuu dalka ka galay uu weliba isku qirayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media