(Muqdisho) 11 Jan 2022 – Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.
Farmaajo ayaa se waloow uu sheegay inuu soo dhowaynayo go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga ayaa misna afkiisa ka ilaaliyey magaca iyo mansabka Madaxa Xukuumadda oo shir guddoominayey heshiiskaasi.
Yeelkeede, TV-ga ku hadla codka DF ee SNTV oo ka mid ah warbaahinta ku qaybsantay khilaafka Madaxwaynaha & Raysal Wasaaraha ayaa mar dambe soo wadaagey khudbaddii Madaxwaynaha.
Waxay khudbadda dusha sare ka raaciyeen kabshan sheegaya in ”Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble”, waloow aysan taasi dhicin.
Hadalsame Media