Ummad Soomaali oo kale ah nin xoog wax uga doonay xal maka keeni karaa?!!

0

(Hadalsame) 10 Jan 2022 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa hadda kahor yiri “waxaan sugaynaa Madaxweyne Soomaali 300,000 ka dila si uu dawladnimada u fahamsiiyo”.

Haddaba, maxaa ka dhasha marka ummad la iska laayo? Sidee taasi Soomaalidu u wajahdaa maxay se ku dambeeyeen intii nin ee istaraatijiyaddaa isku dayey gudaha Somalia iyo dunidaba? Haatan se qolyo Soomaalida layn iyo cabsigelin ku dayaa waa jiraanoo hal maalin ayaa Muqdisho 2,000 lagu dilaye inay dadku hogtaan ma dhashay?

“Soomaali in saddex boqol oo kun laga dilo laguma toosin karo. Dadka marka la iska laayo waxaa ka tirtirma qiimihii noloshu la lahayd iyo cabsidii,” ayuu yiri qoraaga Cabdulqaadir Diiriye.

“Waxay noqdaan dugaaga. Dugaagguna dawlad fiican ma yeelan karo. Soomaalidu waa bulsho qabiil ku dhisan oo lama waayayo in saraakiil ama wasiirro xoog leh ku soo jeestaan dawladda oo hubkeedii kula dagaallamaan iyagoo ka xun sida reerkooda loo laayey. Sharci iyo cadaalad waxaan ahayd Soomaali laguma toosin karo.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media