Ciidanka DF Somalia oo sheegtay inay guul wayn gaareen

0

(Hadalsame) 10 Jan 2022 – Ugu yaraan 21 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal qaraar oo ay la galeen Diidamada Dowladda Soomaaliya kaasoo ka dhacay bartamaha Soomaaliya.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Al-Shabaab ka saaray degmada Cada-kibir ee gobolka Galgaduud ee dalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ayaa geesinnimo leh isaga caabiyay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku dileen 21 ka tirsan argagixisada,” ayaa lagu yiri war laga baahiyey TV-ga.

Inta uu dagaalku socday waxaa lagu dilay afar ka mid ah askarta XDS oo uu ku jiray Taliyihii Guutada 13-aad ee qeybta 21-aad Cali Cagaweyne.

Ha yeeshee, Al-Shabaab ayaa iyana sheegtay in ay dileen in ka badan 10-askari, ayna ka qabsadeen gaadiid iyo hub.

Hadalsame Media