Arrin kala caddayn doonta runnimada ”saaxiibtinnada” la sheegayo ee Itoobiya oo taagan

0

(Muqdisho) 10 Jan 2022 – Waxaa markale biyo yareeyey Webiga Shabeelle oo gaarey meel aad u hooseeysa taariikhiyan.

Meelaha biyo yaraanta laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Degmada Beledwayne ee caasimadda Hiiraan oo ah magaalada ugu wayn ee uu dalka kasoo balleeyo Webiga Shabeelle oo kasoo butaaca dhanka dhul-saraha Itoobiya.

Biyo yaraantii ugu darnayd ayaa dhacday bishan Jannaayo ee horraanta 2022-ka, sida ay sheegayso Waaxda Maaraynta Xogaha Dhulka iyo Biyaha DF Somalia.

Qiyaastii 2 milyan oo qof ayaa la sheegayaa inay ku nool yihiin hareeraha webigan iyadoo ay noloshoodu si uun ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Shabeelle oo sidoo kale sanadihii dambe dhowr mar xitaa guray.

DF Somalia ayaan marna arrintan kala hadlin Itoobiya oo mashaariic badan oo horumarineed iyo biyo-xireenno ka samaysay webigan.

Hadalsame Media