Shirka wadatashiga oo galabta lasoo afmeerayo & War Murtiyeed soo baxaya (Maxaa laga yeelayaa ammaanka?)

0

(Muqdisho) 09 Jan 2022 – Kulanka Wadatashiga ah ee Muqdisho ka soconaya ayaa lagu wadaa in galabta halkaa lagu soo afmeero, iyadoo lagu heshiiyey qodobbo dhowr ah.

Shirkan oo ay ka qaybgelayaan Maamullada dalka iyo midka Gobolka Banaadir oo goobjoog uun ah, ayaa waxaa shir guddoominaya RW xil-gaarsiinta ee Rooble oo isaga looga fadhiyo inuu doorashada uun agaasimo.

Shirka ayaa galabta lagu wadaa in War Murtiyeed rasmi ah laga soo saaro, iyadoo lagu faahfaahin doono dhinacyada jadwalka doorashada, qiyamka iyo isku hallaynteeda iyo sidoo kale ammaankeeda.

Ammaanka oo ahayd arrin la isku hayey ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo AMISOM & Booliiska Soomaaliyeed oo isku dhafan.

Hadalsame Media