Saxaafadda Imaaraadka oo fasiraad bahdil ah ka bixisay sababta ay Somalia ”raalligelinta u bixisay!” (Hal meel oo ay diiradda saareen)

0

(Abuu Dabeey) 09 Jan 2022 – Warbaahinta Imaaraadka ayaa aad u qaad qaadday arrinta ku saabsan raalligelinta uu bixiyey RW xil-gaarsiinta ee DF Somalia, Md Rooble.

Wargaysyada kasoo baxa Imaaraadka kuwooda ugu waawayn sida Gulf News, Khaleej Times, Al Bayaan, Al Waddan iyo qaar kale oo ay ku jiraan hilinnada la daawado ayaa hal meel diiradda wada saaray, mana aha lacagta la sheegay in la celinayo, balse waa cudur daarka la bixiyey, taasoo ay lafteeda u sawireen sidii inay Somalia hadda isu dhiibtey abaarta ku dhacday darteed si ”loo kaalmeeyo.”

”Raalligelinta Rooble ayaa imanaya xilli uu Imaaraadku sii wado kaalmaynta Somalia, oo haatan la tacaalaysa macluul ba’an.” ayuu qoray warqaadka Gulf News, isagoo xusay in labada dal ay doonayaan inay sare u qaadaan xiriirkooda iyo caawinta Somalia, kaddib kulankii Danjiraha Imaaraadka & RW.

Saxaafadda ayaa marka raacayna hal khad oo ah inay u sawirayaan inay Somalia ku gardarrootay Imaaraadka iyo inay haatan soo hoyatey maadaama aysan ka maarmi karin kaalmada Imaaraadka.

Lacag 10milyan ku dhow oo bishii Abriil 2018 ay Ciidamada Ammaanka Somalia ku qabteen Garoonka Aadan Cadde iyagoo ku tilmaamay mid aan sharci ku iman dalka ayaa ka mid ahayd waxyaabihii laga wada hadlay, balse saxaafadda Imaaraadku wax muhiimad ah ma siinin, iyadoo uu MW xil-gaarsiinta ihi isna amray inaan la bixin karin.

Hadalsame Media