DEG DEG: Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay bogga Somalia-Covid oo lagu dacaayadeeyey ”CBB”

0

(Muqdisho) 09 Jan 2022 – Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa beenisey inay iyadu leedahay bogga Twitter-ka ee Somalia-Covid, kaasoo qoraal lagu dhaliilayo CBB lasoo dhigay maanta.

Bogga ayaa haatan gebi ahaanba la xadidey, balse Wasaaradda Caafimaadka ayaa haatan qoraal kooban ku sheegtay in inaysan shuqul ku lahayn boggaasi.

”Waxay Wasaaraddu xaqiijinaysaa in xogta bogga Twitter ee “Somalia COVID19 (@ SomaliaCovid19)” aan laga soo saarin dhanka Wasaaradda Caafimaadka, mana aha mid ka tirsan rakooyinka Wasaaradda.” ayaa lagu yiri qoraalka.

”CBB” oo aan ahayn magac rasmi ahaan u taagan ama ay dad isu yaqaannaa jiraan, waxaa markii ugu horreeysey isticmaalay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waana magac aad looga adeegsado dhanka baraha bulshada.

Hadalsame Media