Hakan Calhanoglu ma safan doonaa kulanka Lazio? Go’aan rasmi ah oo soo baxay

0

(Milano) 08 Jan 2022 – Waxaa baaqday kulan Khamiistii dhexsan lahaa kooxaha Bologna vs Inter, kaddib markii ay soo xaadiri waysey kooxda hore, balse Garsoorka Cadaaladda Ciyaaraha ayaa dib u dhigay go’aanka kulankaasi oo ay Inter rajaynaysey in la siiyo forfeit 0-3 ah.

Waxaa marka laga yimaado kulanka Bologna-Inter, sidoo kale Covid dartiis u baaqday kulamada kale ee Atalanta-Torino, Fiorentina-Udinese iyo Salernitana-Venice oo ka wada tirsanaa todobaadka 20-aad.

Haddaba, maadaama ay haatan rasmiyowdey in aan la go’aamin natiijada kulankii baaqday ee Stadio Dall’Ara waxaa hubaal noqotay in Hakan Calhanoglu uu ganaax ku seegi doono kulanka habeennimada SS Lazio.

Hadalsame Media