Tafaasiil laga bixiyey bambo laga helay meel ay joogtey MW Xigeenka Maraykanka oo lala cararay

0
U.S. Vice President Kamala Harris listens while meeting virtually with community leaders on Covid-19 public education efforts in the Eisenhower Executive Office Building in Washington, D.C., U.S., on Thursday, April 1, 2021. The White House this week criticized a World Health Organization report on the origins of the coronavirus, calling it incomplete and faulting data and access provided to its authors by China. Photographer: Leigh Vogel/UPI/Bloomberg via Getty Images

(Hadalsame) 07 Jan 2022 – MW Xigeenka Maraykanka ee Kamala Harris ayaa lagala cararay Xarunta Xisbiga Dimoqraadiga ee Washington, kaddib markii bambo macmal ah laga helay meel u dhow.

Sida ay CNN ogaatey waxaa Kamala meesha lagala cararay 1:14 p.m. ET Janaayo 6, 2021, 7 daqiiqo uun kaddib markii ay booliiska caasimadda ee Capitol Police ay bamka baaris ku bilaabeen, sida ku cad jadwal hoosaad booliis oo ay CNN heleen, waloow uu warka bilowgii faafiyey Politico.

Walow joogitaanka Harris ee Xarunta DNC aysan saxaafaddu ka war haynin markii hore, dhacdadani waxay ahayd 6dii Janaayo 2021.

Harris ayaa diiddey in ay ka jawaabto su’aalo ku saabsan goobta lagala cararay markii ay warfidiyeenku ku waydiiyeen Aqalka Cad.

Balse waxay ku gaabsatay in ay meesha u joogtey xogsiinta Guddi Hoosaadka Sirdoonka Senetka, iyadoo saacado kaddibna weerar subaxaa lagu qaaday Aqalka Koongarayska Capitol Hill.

“Waan tegey, balse waxaan markiiba bilaabay inaan ka welwelo dadkii ila shaqaynayey iyo howlwadeennadaydii oo ku khasbanaaday inay dhufays ka dhigtaan miisaskii iyo armaajooyinkii galalka.” Ayay tiri Harris.

Halista bambo ee xarunta DNC ayaa meesha laga saaray abbaarihii at 4:36 p.m. ET, sida ku cad jadwalka uu helay CNN, iyadoo isla CNN oo markii la weeraray Capitol Hill saraakiil ammaan waydiiyey wacaalka MW Xigeenka loogu gaabiyey inay “bed qabto.”

Ninka la tuhunsan yahay ayaa 2 bambo oo macmal ah kala dhigay labada xarumood ee xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.

La tuhunsanaha ayaa goobahan kala tegey 7:30 p.m. iyo 8:30 p.m isagoo boorso yar gacanta ku sita funaanad koofi leh oo caddays ahna xiran sida ka muuqata CCTV. walow ay FBI ay wacaalkiisa heli waydey xitaa markii la ballanqaaday  $100,000 oo doollar oo ay bixinayso Hay’adda Aalkolada, Tubaakada, Hubka Gacanta iyo Walxaha Qarxa.

Hadalsame Media