XOG: DF Itoobiya oo arrin xun kula kacday dad Tigree ah oo laga soo tarxiilay Sucuudiga

0

(Addis Ababa) 06 Jan 2022 – Kumannaan rayid ah oo laga soo tarxiilay Sucuudiga ayaa la sheegayaa in lagu xirxirey dalka Itoobiya, sida ay sheegayaan Human Rights Watch (HRW).

HRW ayaa warbixin ay dabagal ah ku sheegtay in DF ay bartilmaameedsatay dadkan iyadoo ku tuhmaysa in ay taageeraan fallaagada Tigreega ee la dirirsan DF.

Dadkan ayay sheegtay in lagu kala xirey xabsiyo dalka ku firirsan halka qaar kale laga hor istaagey inay dib ugu laabtaan Gobolka Tigraay, sida ay sheegayso Nadia Hardman oo cilmi baarista iyo arrimaha qaxootiga ugu qaybsan HRW.

Waxay intaa raacisay in dadka kasoo laabtay Sucuudiga lagula tacaddiyo kale, xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka lagu qaaday gobolkooda oo bilowday Nof. 2020.

Hadalsame Media