Horyaalkee ugu hardan adag waqti-xaadirkan marka la qiimeeyo ”Shanta Sare?”

0

(Hadalsame) 04 Jan 2022 – Marka la eego Shanta Horyaal ee ugu waawayn Yurub, waxaa haatan ama waqti-xaadirkan dhanka hardanka ugu wanaagsan horyaalka Serie A, sida uu tirakoobku muujinayo.

Horyaalka Talyaaniga ayaa waxaa kaalimaha 1-aad iyo 2-aad u dhexeeya 4 dhibcood oo qura, halka La Liga oo ku xiga ay 8 dhibcood u dhaxayso, Bundesliga waa 9 dhibcood, EPL waa 10 dhibcood, halka Ligue 1 ay 13 dhibcood u dhexeeyaan labada sare.

Marka la eego farqiga 1-aad iyo 4-aad ayaa isna waxaa markale ugu adag Serie A oo waa 8 dhibcood oo qura, horyaallada Faransiiska & Jarmanka oo kusoo xiga waa min 15 dhibcood, halka farqiga La Liga uu yahay 16, waxaa kasii fog EPL oo ay 18 dhibcood oo dhami u dhexeeyaan 1-aad iyo 4-aad.

Hadalsame Media