(Hadalsame) 04 Jan 2022 – Wasiirka cusub ee Beeraha Jarmalka, oo kana tirsan xisbiga Degaanka, Cem Özdemir, ayaa dhaleeceeyay weerarkii Islaam naceybka ahaa ee dhowaan lagu qaaday qabuuraha Muslimiinta ee waqooyi-galbeed dalkaasi, sida ay sheegtay Safaaradda Jarmalka ee Turkiga Talaadadan.
Safaaradda ayaa ka hadlaysay weerar lagu qaaday qubuuraha muslimiinta ee magaalada Iserlohn ee dalka Jarmalka habeenkii sanadka cusub, taasoo ah tilmaantii ugu dambeysay ee muujineysa kor u kaca nacaybka Islaamka ee Yurub.
“Xabaalo-xumaynta ka dhacday Iserlohn waa mid aad looga naxo waana weerar fulaynimo ah oo ka dhan ah Muslimiinta. Waxaan si fiican u qiyaasi karaa waxay dareemayaan. ehelada dadka halkaa ku aasan!” ayuu yiri Özdemir.
Sida laga soo xigtay booliiska maxalliga ah ilaa 30 dhagxaan oo ku yaal qabuuraha muslimiinta ee Iserlohn ayaa waxyeelo soo gaartay.
Maamulka ayaa soo saaray baaq ku saabsan in la keeno xogta qof kasta oo goob joog u ahaa burburintaasi ama haya wacaal caawin kara baaritaanka.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo sannadihii u dambeeyey ay dalka Jarmalka ku soo badanayeen dembiyada Islaam nacaybka ah ee walaaca leh.
Sida lagu sheegay warbixin dhawaan la daabacay, cinwaankeeduna yahay “Warbixinta Islaam nacaybka Yurub 2020,” wadar dhan 901 dembi oo Islaam nacayb ah ayaa waxaa diiwaan gashaday Xafiiska Booliska ee Dembiyada Federaalka ee Jarmalka sanadkii 2020.
Waxaa la qabtay 18 mudaaharaad oo ka dhan ah diinta Islaamka, waxaana 16 ka mid ah soo qabanqaabiyay ururka cunsuriga ah ee PEGIDA ee dalka Jarmalka isla sanadkaas.
Intaa waxaa sii dheer, 2020-kii waxaa kor u kacay Islaam nacaybka la marsiiyo khadka tooska ah ee internet-ka. Dalka Turkiga oo qura ayaa arrintan ilaa haatan ka hadlay.
Hadalsame Media