Baasaboorka dal Muslim ah oo markii ugu horreeysey noqday midka ugu xooggan caalamka (Somalia halkee ku jirtaa?)

0

(Hadalsame) 04 Jan 2022 – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 1-aad ka galay qiimaynta xoogga baasaboorrada caalamka iyadoo hadba lagu qiimeeyo inta dal ee baasaboorkaa lagu geli karo si fiisa la’aan ah amaba la qaadanayo marka la joogo halka laga soo galo dalka loo safray.

Sida ku cad qiimaynta ugu dambaysa ee 2022, dalka Imaaraadka ayaa baasaboorkiisa lagu geli karaa 104 dal oo aan wax fiise ah waydiinaynin, halka 55 dal ay fiisaha ku siinayaan marka uu qofku soo dego, iyadoo 39 dal oo qur ihi ay fiise ku xujaynayaan qofka sita baasaboorka UAE.

Waxaa 2-aad ku jira Jarmanka oo isagu dhanka fiise la’aanta uga badan UAE waana 112 dal, balse waxaa lagu dhaafay dhanka dalalka fiisaha ku bixinaya imaanshaha (on arrival) oo ah dhanka Jarmanka ah 39 dal oo qura, halka ay 47 dal fiise ka doonayaan. Halkan ka eeg liiska cusub oo dhan…

Dalkeenna Somalia ayaa safka gadaal uga jira, balse saas oo ay tahay wuxuu Baasaboorkeennu ka sarreeyaa dalalka Afghanstan, Ciraaq, Suuriya iyo Pakistan, wuxuuna fiise la’aan tegi karaa 8 dal, halka ay 30 dal fiisaha ku siinayaan imaanshaha, 160 dalna ay fiise ka doonayaan.

Waa markii ugu horreeysey ee uu dal reer bari ah ama Muslim ihi uu kaalinta 1-aad galo tan iyo intii la bilaabay qiimayntan dhijitaalka ah.

Hadalsame Media