Waaxda Socdaalka oo digniin kasoo saartay iimo laga soo sheegtay adeegyada hay’adda

0

(Muqdisho) 03 Jan 2022 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DF Somalia ayaa war kasoo saartay cabashooyin marar badan laga sheegtay hay’addaasi.

”Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xaq u leeyihiin helidda adeeg hufan isla markaana ka fog eex iyo wax isdaba-marin (Musuq-maasuq),” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

”Muwaadiniinta iyo Ajaanibta baahida u qaba adeegga Hay’adda waxaa looga baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si ay qeyb uga qaadataan hufnaanta shaqada.

”Ka qayb-qaadashada kiis la xiriira wax isdabamarin, ha ahaado Sargaal ka howlgala Hay’adda ama Muwaadin iyo Ajnibi loo adeegayay waxaa la marsiinayaa hannaanka Sharciga.

”Hadaba, Muwaadiniinta iyo Ajaanibta dalbanaya adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hadii ay la kulmaan waxyaabo ka baxsan hannaanka hufan ee shaqada sida Eex, Musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed waxaa looga baahan yahay in ay ku soo wargeliyaan Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan ama in sanduuqa cabashada ee yaalla xarumaha Hey’adda ay ku ridaan cabashadooda.” ayay kusoo afjareen.

Hadalsame Media