(Stockholm) 03 Jan 2022 – In ka badan 300 oo qof ayaa la sheegayaa in looga shakisan yahay inay xadeen imtixaanka shatiga darawalnimada labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana ilaa haatan la xukumay 40 qof tan iyo markii ay arrintani sharci darrada noqotay, bishii Maarso 2020-kii, sida uu tabiyay TV-ga SVT.
Howlaha xaditaanka ama qishka ayaa ku dhaca qaab qofka fadhiya imtixaanka ay dhegaha ugu jiraan sameecado qarsoon iyo mararka qaar kaamarado duubaya imtixaanka isla markaana uu caawiyihu uu sheegayo jawaabta saxda ah ee su’aasha hortaalla.
Tomas Tronning, oo ah madaxa ammaanka ee Maamulka Gaadiidka Dalka, ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in tuuganimadaasi ay gadaal ka riixayaan kooxo abaabulan.
Hadalsame Media