Booliiska caalamiga ah ee Interpol oo Nairobi ku qabtay nin dad badan tahriibin jirey

0

(Hadalsame) 03 Jan 2022 – Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa gacanta ku haya nin u dhashay dalka Holland oo lagu magacaabo, John Habeta, oo lagu xiray dalka Kenya, kaddib markii lagu eedeeyay inuu tobannaan qof u tahriibinayay Yurub.

Booliiska Kenya ayaa Habeta ku xirey magaalada Nairobi 16-kii Diseembar taasi oo qayb ka ah howlgal ay iska kaashadeen mas’uuliyiinta Netherlands iyo Kenya oo taageero ka helayay xarunta xoghayaha guud ee Interpol.

“Iyadoo lagu dhaqmayo hoggaanka sirdoonka INTERPOL ee caalamka laga soo xigtay, xarunta INTERPOL National Central Bureau (NCB) ee Hague waxay ku wargelisay Booliiska Kenya joogitaanka ninkan baxsadka ah ee Nairobi 10-kii Diseembar,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Interpol.

Hadalsame Media