(Muqdisho) 02 Jan 2021 – Waxaa doorashadan soo shaac baxday nooc doorasho lagu sheegayo balse ay dad badani ku tilmaameen qaab halis ah oo marka laga soo tago inuu dilayo isku hallaynta iyo qiyamka DF, sidoo kale xumaynaya sharciyaddeeda.
Waxaa dadkaa ka mid ah ”musharaxad kursiga HOP154 kula tartantay Sareedo Maxamed Cabdalla, kaasoo doorashadiisa ay laaleen Guddiga Doorashooyinka oo saluugey qaabkii loo maray doorashadiisa oo ay sheegeen in uusan waafaqsanayn habraacyada doorashada.
Guddiga Doorashada heer Federaal ayaa tilmaamay in gabadhan la tartantay Sareeda aysan soo buuxinin shuruudo uu ku jiro qodobka 3-aad ee musharraxnimada ee ku jirey heshiiskii 1-dii Oktoobar 2020, waxaana waxyaabaha lagu haysto ka mid ah da’da.
Yeelkeede, Gabadha oo lagu magacaabo, Fardowsa Ibraahim Cabdi, ayaa iska diiddey inay 15-jir tahay, iyadoo sheegatay 27 sanadood oo ay dhalatay 1994-kii.
Ha yeeshee, waloow ay Sareedo oo arrintan uga warrantay Xasan Cadde oo si kedis ah ku arkay ay doonayso in la aqbalo qiyamka tartankeeda, misna qaabka ay isu difaacayso ayaa dulduleel badan leh:
1 – Gabadhu 27-jir uma muuqato marka ugu yaqaan qaabkeeda muuqaal la eego.
2 – Waa gabar iyada iskala socota taasoo muujinaysa in xitaa haddii ay dhanka da’da sax ka tahay ay weli tahay qof ay iyadu wadatey.
Hadalsame Media