LABA AAN IS QABAN: Halka meel ee uu ka khaldan yahay ”QABKA” ay dadka qaar sheegayaan & dhib horay uga dhashay!

0
Illustration from 19th century

(Hadalsame) 30 Dis 2021 – Waxaa hubban in Soomaalidu ay ku wareersan tahay dowladnimada ka jirta dunida haatan jirta, taasoo wax badan oo ay usoo kordhiso daaye sii kala irdhaysa ummadda oo dowladnimada kahor si uun ay taqaanno u noolayd.

Waxaana ugu wacan arrimo isku biiray oo ay ku jirto dowladnimada oo aan helin degaan iyo qaab-dhismeed ummadeed oo ay ku bullaasho & dad madaxnimada kusoo boodaya oo horseed u ah, kuwaasoo markasta uga sii daraya. Bal aan maalin kale ka dhigannee, aynu eegno hal arrin oo ka mid ah waxyaabaha naga wareersan.

Tusaale, siyaasiga Soomaaliga ah iyo xitaa qofka shacabka ihi wuxuu dowladnimada u yaqaannaa nin madax ah oo shaarub wayn oo is kibriya, xoolaha ummadda ku feesteeya oo kaligii lunsada, cidii dunida kaalmo (tuugsi) waydiista (markan qabka kayd ayaa la gelinayaa), deeto markii woxoogaa loo dhiibo is xanaajiya oo deeto qaada hees la yiraahdo ”san ku neefle ma ogoli inuu iga sarrayn karo.”

Waxaan waayey DF ama Maamul-goboleed inta Dubai tago hal gaari oo gacan 2-aad ah 4,000 oo doollar kusoo iibsada si ummada wax loogu qabto, waxaad deeto arkaysaa dowladdii dhamayd oo 2 gaari oo kaalmo ah ka guddoomaysa dal kale.

Waxaa ugu darrayd berigii ay Masar inoo keentay Fuqeey Bararay malaha la sanceeyey 1930meeyadii iyo markii waraaqaha musqulaha lagu wareejiyey qof madax ah ama markii aan aragnay guri mitir kubbo ah oo ay isla dhiseen 40 dowladood iyo ururu oo caalami ah.

Adigoo sidaa wax u wada oo xoolihii ummadda iyo wixii lagu sadaqaystayba cunaya, inaad misna ku darto ”waxba nalooma yeerin karo iyo qab baannu leennahay” waa xaajo caqligii ka marane, siyaasiyoow xishoonba mayside walba xikmad lagaa dhegeysan karo keen.

Qofkii aan calooshiisa ku fillaani xor ma noqdo, marka kala daa inaad doonayso in cirbad iyo dun haddii xafiis dowladeed looga baahdo kaalmo lagu keeno iyo inaad belo sanka taagaysa iska dhigto, taasoo ahayd isla caqli xumadii naloo colaadiyey 30-kii sano ee burburka ka horreeysey kaddib markii la waayey cid na fahmi karta bari iyo galbeedba, waayo cidna ma jecla faqiir kibir badan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media