DHEGEYSO: ”Waxaan aad u caawinnaa dadka mudada dheer shaqo la’aanta ahaa” – Duniyo Kulmiye

0

(Hadalsame) 30 Dis 2021 – Waxaan Isniintii faafinnay tirakoob cusub oo kasoo baxay Xafiiska Shaqada kaasoo ku saabsan in ay hoos u dhacday shaqo la’aanta dadka inta badan ku shaqo waayey saamaynta cudurka Covid, balse aysan wax badani iska bedelin dadka muddada dheer shaqo la’aanta ah.

 

Haddaba, waxaannu arrintaa wax ka waydiinney Duniyo Kulmiye oo ka mid ah gacan yarayaasha Xafiiska Shaqada oo ay sidoo kale ka tahay shaqo diyaariye ama Job Coach, waxayna ugu horreeyn sharraxaysaa waxa ay qabato.

”Waxaan caawinnaa dadka mudada dheer shaqo la’aanta ahaa.” ayay tiri iyadoo xustay inay ka kaalmeeyaan dhinacyada waraysiyada, qorista CV-ga iwm.

Hadalsame Media