(Muqdisho) 29 Dis 2021 – Wasiirka Ammaanka, Cabdullaahi M. Nuur, ayaa war kasoo saaray dad dibedbax dhaliil ku ah MW Farmaajo dhigayey oo la sheegay inay is hortaag ku sameeyeen dhibna u gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia.
”Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen,” ayuu bartiisa kusoo qoray Wasiirku.
”Waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay. Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah.” ayuu raaciyey.
Wasiirka laftiisa ayaan muujinin wax ku saabsan xaqa ay madaniyiintu u leeyihiin inay dibedbax dhigaan marka ay doonaan, taasoo sanadihii yaraa ee dambe muran wayn ku jirtey min Muqdisho ilaa gobollada, gaar ahaan, marka laga horjeedo qofka maamulka haya, taasoo ka hor imanaysa xuquuqaha madaniga ah ee ku cad Dastuurka Qaranka.
Hadalsame Media