”Waa inaan ku duulnaa oo aan dalkeenna kusoo darnaa Ukraine” – Siyaasi Ruush ah oo hadlay xilli uu Putin sheegay inaysan dib u ”guran doonin”

0
CRIMEA, RUSSIA - OCTOBER 18, 2021: BTR-82A armored personnel carriers take part in exercise in amphibious landing on an unimproved shore held by army corps and naval infantry units of the Russian Black Sea Fleet at the Opuk range. Over 8,000 servicemen and about 350 items of military hardware and weaponry are taking part in the drill. Sergei Malgavko/TASS (Photo by Sergei MalgavkoTASS via Getty Images)

(Moscow) 29 Dis 2021 – Madaxweynaha Chechnya ee uu Kremlin-ku taageero, Ramzan Kadyrov, ayaa Axaddii sheegay in Ukraine la qabsado oo nidaamka Moscow la hoos keeno, haddii madaxweynaha dalkaas, Vladimir Zelensky, aanu waxba ka beddelin siyaasaddiisa ka dhanka ah Ruushka.

“Aragtidayda qoto dheer ayaa ah in haddii Zelensky iyo kooxdiisu ay sidan u sii dhaqmaan, Ukraine waa in lagu daraa waddankeena. Ukrainiyiintu waa dadkeena. Waa dhulkeena. Tani waa fikradeyda, “ayuu yiri Kadyrov.

Sidoo kale, waxa uu xusay in uu diyaar u ahaan lahaa in uu hogaamiyo duullaan lagu doonayo in “Ukrayn lagu daro Jamhuuriyadda Chechnya” ee hoos tagta Federayshanka Ruushka, haddii lagu amro in uu sidaas sameeyo.

“Jiritaanka Kyiv, had iyo jeer waa meel ay reer galbeedku ka samaystaan saldhigyo militari oo ay dalabyo ku saabsan waddankeena ka bixiyaan,” Kadyrov ayaa sidaas yiri mar uu ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee sanadlaha ah. “Waan ku qanacsan ahay in madaxweynaheennu aanu taa ogolayn.”

Dhanka kale xigeenka Aqalka Hoose ee Duma oo hoos taga Kremlin-ka, ayaa keenay aragti ah in sida uu yiri ay Kyiv isku diyaarinayso in ay weerarto Russia.

“Waxaa jirta khatar dhab ah oo ah in la weeraro Ruushka, waxaa la diyaarinayaa taa.” ayuu yiri ku xigeenka Aqalka Duma, Mikhail Delyagin.

Vladimir Putin waxa kale oo uu todobaadkii hore sheegay in Ruushku aanu haysan meel uu dib ugu gurto ismariwaaga kala dhexeeya Maraykanka ee ku saabsan Ukraine, laguna khasbi doono jawaab adag haddii aanay reer galbeedku ka tanaasulin “dhaqankooda gardarada ah”.

Putin ayaa hadalkan u jeediyay saraakiisha millateriga , isagoo is waydiiyey “waxa ay Maraykanku ka samaynayaan Ukraine oo dhacda albaabkeenna… Waa inay fahmaan inaannaan haysan meel kale oo aan dib ugu noqonno. Ma waxay u malaynayaan inaan si indho la’aan ah u daawan doonno?” ayuu is waydiiyey Putin.

“Haddii safka gardarada ah ee asxaabteena reer galbeedka ay sii socdaan, waxaan qaadi doonaa tillaabooyin ku filan jawaab-farsamo milatari waxaanan si adag uga falcelineynaa tillaabooyin aan saaxiibtinimada lahayn.” ayuu ku gooddiyey Putin.

Hadalsame Media