MW Kenyatta oo helay fursad wax looga waydiiyo khilaafka madaxda Somalia (Maxay Kenya uga dhigan tahay?)

0

(Nairobi) 29 Dis 2021 – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken ayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadlay arrimaha amniga ee Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay qortay BBC.

Antony Blinken wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sidii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedayada ay si deg deg ah ugu soo afjari lahaayeen doorashada.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga qaban lahaa “doorasho xor ah”

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu xusay in isaga iyo Uhuru ay ka wadahadleen sidii dhinacayada isku hayo siyaasadda Soomaaliya ay uga hortaggi lahaayeen tallaabooyinka iyo qoraallada horseedi kara xiisadda.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay inuu Ra’iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay “tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed.”

Waxay tani Kenya uga dhigan tahay inay markale isu sawirto inay tahay dowlad xasilloon oo la isku hallayn karo nidaam la saadaalin karo oo aan duul duul qabinna uu ka jiro, taasoo ah aragti ay mar kasta iib gayso, iyadoo Somalia iyo dalalka la midka ah ku sheegaysa inay yihiin dalal aan lahayn siyaasad fadhida oo micne leh (volatile), sida haatanba ka muuqata.

Hadalsame Media