Masar oo joojinaysa beeritaanka ubaxa oo ay qarniyo soo waddey & sababta

0

(Qaahira) 29 Dis 2021 – Dhirta iyo jardiinooyin qurxinta ayaa taariikh hodon ah ku leh Bariga Dhexe taas oo soo taxnayd boqollaal sano. Beerta Al-Azhar ee Qaahira waa hal tusaale: taas oo ay aasaaseen Faadimiyiintu qarnigii 10-aad, dib-u-horumarinteedii 1980-aadkii ayaana lagu ammaanay inay tahay mid ka mid ah jardiinooyinka casriga ah ee Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Masar Abdel Fatteh el-Sisi, ayaa soo jeediyey in dhirta aan “faa’iidada asaasiga ah lahayn” laga mamnuuco dalkiisa, maadaama Masar ay soo food saartay dhibaato dhinaca biyaha ah.

Isagoo ka hadlayay shir Axaddii ka dhacay Masar Sare oo lagu soo bandhigayey qorshayaal lagu horumarinayo dhul beereedka, Sisi waxa uu taabtay cabsida baahsan ee biyo la’aanta.

‘Waa amar aan rabno in qof walba uu ka warqabo: ma ogolaan doono dhir-qurxin ah oo dambe’, ayuu yiri Madaxweyne Abdel Fatteh el-Sisi oo warkan u jeediyey Ra’iisul Wasaare Mostafa Madbouly oo uu ka codsaday inuu helo hab lagu hirgeliyo qorshahan.

MW Sisi wuxuu ku andacoodey in la mamnuuco dhirta qurxinta, biyahana loo isticmaalo oo kaliya “dalagyada waxtarka leh” si loo badbaadiyo ama loo tashiilo biyaha.

“Ilaah idamkii, ma jiri doono hal dhibic oo biyo ah oo aan ku isticmaali karno, ama meel kasta oo aan ku beeri karno dalagyada, oo aynaan ka faa’iidaysan doonin,” ayuu raaciyey Sisi.

Webiga Niil oo marka uu isku darsamo u qulqula dhanka Masar oo qarniyo kaligeed ka faa’iidaysanaysey, ayaa haatan waxaa ay dhibaato cusubi uga imanaysaa dalalka sare ee uu kasoo bilowdo sida Itoobiya oo doonaya inay mashaariic horumarineed kaga faa’iidaystaan.

Hadalsame Media