(Hadalsame) 21 Dis 2021 – Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Amiirka Dubai, ayaa lagu amray inuu bixiyo lacag nus-bilyan gini oo la siinayo xaaskiisii Amiira Haya iyo 2 carruur ah oo ay u dhashay.
Xukunkan oo maanta la ridey ayaa waafaqsan magdhow furriin oo uu garsoore Mr Justice Moor ku xukumay Sheikh Mohammed oo lagu sheegay halista ugu wayn ee ay wajahayso Princess Haya bint al-Hussein, oo ay isku aabbe yihiin Boqor Cabdallaha II ee Urdun.
Haya ayaa sheegtay in lacagtani ay u saamaxayso inay horay u socoto oo iyada iyo carruurteedu ay ka lug baxaan Sheikh Mohammed oo lagu xukumay £500m oo gini oo looga doonayo inuu ku bixiyo muddo 3 bilood ah.
Haya ayaa markii hore doonaysey in loo xugmiyo £1.4bilyan oo gini, iyadoo markii ugu dambeeysey ee lacag sidan u badan loo xugmiyo qof ay ahayd mar ay maxamaddanni ay xaaskii hore ee ganacsadaha Ruushanka ah ee Farkhad Akhmedov, u xugmisay £450m oo gini.
Dagaalka sharci ee labadan qof ayaa bilowday Abriil 2019, markii ay Haya usoo baxsatay dhanka UK, kaddib markii ay sheegtay inay nafteeda u baqayso, iyadoo furriin dalbatay, Sheikh Mohammed ayaa lagu eedeeyey inuu xaaskiisii hore iyo qarreenadeeda ku basaasay Pegasus Spyware.
Hadalsame Media