(Hadalsame) 21 Dis 2021 – Intiinnii maqashayba, Xafiiska Suuqa Tamarta Sweden ayaa dadwaynaha uga dige dad iskaga dhigaya inay koronto iibinayaan balse qaab burcadnimo oo kale ah uga faa’iidaysta dad khabaar moog ah.
Safiya Cumar oo deggan magaalada Gävle ayaa ka mid ah dadka ay dibirtaa la heleen.
”Waxaa la i geliyey khalkhal ah in korontada la iga goosanayo isla galabtii la isoo wacay,” ayay tiri Safiya Cumar.
Hadalsame Media