Turkiga oo samaystay dayuuradaha waawayn ee wax basaasa & dalka ka caawiyey + Sawirro

0

(Ankara) 21 Dis 2021 – Wershadaha Agabka Ciidamada Turkish-ka ee SSB ayaa Ciidamada Cirka dalkooda ku wareejiyey 2 dayuuradood oo ah nooca sahanka badaha ee waawayn ee P-72, sida uu xaqiijiyey madaxa iskaashatada, Ismail Demir.

Dayuuraddan oo lagu sameeyey mashruuca Meltem-3, ayaa waxaa lagu wareejiyey Taliska Ciidanka Badda dalkaasi (DzKK).

Ciidamada ayaa qaybta 1-aad la siiyey Diseembar 10, 2020, balse sanadkan ayaa waxaa loo raaciyey 3 kale oo ah noocan oo sameeya sahanka badaha iyo ururinta xogaha sirta ah.

Turkey ayaa dayuurado basaas ah oo uu isagu dhisay sanadihii dambe u adeegsanayey howlgallada uu ka sameeyo badaha Black Sea, Aegean, Bariga Badda Cad iyo Xeebaha Libya.

Waxaa TURKIGA mashruucan Meltem dhanka farsamada ka caawinaysa shirkadda Talyaaniga ah ee Leonardo, iyadoo ay qandaraas-hoosaadka leeyihiin shirkada Turkiga ah ee TAI, Aselsan, Havelsan iyo MilSOFT.

Waxaa harsan 2 dayuuradood oo kale oo mashruucan ka tirsan oo lagu wado in la dhamaystiro sanadka soo aaddan ee 2022.

Hadalsame Media