(Hadalsame) 21 Dis 2021 – Ciidamada Xoogga Dalka ee Sweden ayaa hadda eegaya suurtagalnimada in ay isticmaalaan helikabtarrada ah ee ay farsamayso shirkadda Maraykanka ee Sikorsky sida; – Black hawk iyo Sea hawk, sida Ekot ay soo xuuraansatay.
Arrinkan ayaa salka ku haya dhibaatooyinka Sweden ka haysta dayuurada loo yaqaan NH90 oo aad qaali u ah islamarkaana aan ku wanaagsanayn ugaarsiga maraakiibta quusta ee loo yaqaan gujiska.
Iswiidhan waxay hore u haysatay 15 Black Hawk, kuwaas oo bandhig ahaan si fiican u shaqeeyay islamarkaana aad uga jaban helikabtarka NH90 marka ay timaado dhanka ugaarsiga gujisyada badda Baltic-ga.
Hadalsame Media