RASMI: AC Milan & Inter oo u codeeyey garoon ay naqshadaysay garoonka Tottenham & goorta la furayo + Sawirro

0

(Milano) 21 Dis 2021 – Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay garoonka ‘new’ San Siro Stadium oo noqon doona naqshadda la magac baxday Cattedrale oo ay samaysay Populous, taasoo ay xusheen AC Milan iyo Inter.

Waxay taasi meesha ka saaraysaa naqshadda Rings of Milano oo ay samaysay Sportium.

Garoonkan oo laga dhinac dhisayo gegada Stadio Giuseppe Meazza, oo la dumin doono amaba loo rogi doono garoon yar oo ay gabdhaha iyo junyarku ku dheelaan, iyadoo maadaama aaggaasi lagu magacaabo San Siro uu garoonka cusub magacaa qaadan doono.

Populous waa isla shirkadda naqshadaysay garoonka cusub ee Tottenham Hotspur Stadium, iyadoo garoonkan cusub la furi doono 2027, halka midka haatan jira qayb ahaan la duminayo 2026-ka.

Wuxuu noqon doonaa garoon ka yar Meazza, kaasoo qaadi doona 65,000 marka loo eego kan haatan oo qaadi kara in ka badan 80,000, balse waa casri ku fadhiya xaafad dhan oo leh hoteello iyo meelo kale, waxaana labada kooxi ay garoonka oo qura sanadkii ka heli doonaan min €80m oo euro.

Hadalsame Media