DF Maraykanka oo haysata kayd lacag nooc gaara ah oo aad u ballaaran balse qarsoodi ah

0

(Washington, DC) 21 Dis 2021 – Dowladda Maraykanka ayaa la sheegay inay sanado badan si qarsoodi ah u iibsanaysey siina gadaysey lacagaha dhijitaalka ah ee loo yaqaan cryptocurrency, sida haatan la kashifay.

Sida uu sheegayo Jarod Koopman, Agaasimaha Hay’adda Dakhliyada Gudaha ee IRS, gaar ahaan qaybta dembiyada lacagaha noocan ah, ayaa qiray in DF Maraykanku ay gacanta ku dhigtay lacag aad u fara badan oo crypto ah.

“Sanad-maaliyadeedkii 2019, waxaannu la wareeegney qiyaastii $700,000 oo crypto ah.  2020-diina $137 milyan. Halka 2021 (ilaa Agoosto), aan qabannay $1.2 bilyan oo doollar,” ayuu Koopman u sheegay CNBC.

US Marshals Service, oo ah hay’adda mas’uulka ka ah xaraashidda lacagaha noocan ah ayaa la sheegayaa inay ilaa haatan sii xaraashtay 185,000 bitcoins, oo ku fadhiya qiime dhan $8.6 bilyan oo doollar.

Lacagahan ayaa marka hore lagu wareejiyaa khasnadaha kala ah Treasury Forfeiture Fund amaba Waaxda Cadaaladda, waxaana kaddib loo gudbiyaa Koongarayska oo awood u leh inuu lacagahan la wareego si loogu maalgeliyo mashaariic kale, arrimahan ayaana inta badan shacabka lala wadaagin.

Hadalsame Media