(Hadalsame) 20 Dis 2021 – Markii ugu horreeysay taariikhda ayaa dalka Sweden waxaa la sameeyay daraasad lagu ogaanayo waxyaabaha keena in waalidiinta qaarkood ay ka shallaayaan in ay carruur dhalaan. Maja Bodin oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Uppsala Universitet oo daraasaddan sameeysay ayaa waraysiyo qoto dheer ugu tagtay waalidiin fara badan.
Sababuhu waa dhowr, balse kuwa badan ay shallaayga keena waa xanuunnada xilliga umusha, waxyaabaha ay ilmuhu dalbanayaan oo xad ka bax noqda, dhibaati dhanka xiriirka ah, qofka oo aan kaalmo ku filan ka helin dibedda ama dibaatooyin maalmeedyo kale oo dhaliya inuu qofku isba garan waayo, sida ay tiri.
Horay ayaa sidoo kale wadamo kale oo aduunka looga sameeyay cilmi baarista noocan ah, tusaale, dalka Poland, natiijada cilmi baaris halkaa laga sameeyey ayaa sheegtay in ku dhawaad 13% ka mid ah 1,200 waalid oo la waraystay ay sheegeen inay ka shallaayeen in ay waalidiin noqdaan.
Hadalsame Media