SWEDEN: Dadwaynaha oo looga digayo qandaraasyo koronto oo telefoonnada lagu iibiyo (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 20 Dis 2021 – Xafiiska Suuqa Tamarta Sweden ayaa dadwaynaha uga digaya dad iskaga dhigaya inay koronto iibinayaan balse burcad ah si ay uga faa’iidaystaan qiimaha saree e korontada.

Arrintan ayaa gaar ahaan aad u korodhay xilligii uu taagnaa cudurka faafa ee Covid-ka, waxaana qofka marar badan loo sheegayaa in loo hayo koronto ka sicir jaban midda uu haysto, iyadoo laga raaridayo inuu bedelo qandaraaska uu kula jiro shirkadda kale, balse waa khyaano.

Thomas Björkström, oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Suuqa Tamarta Sweden ayaa arrintan uga sheekeeyey Ekonomi-ekot. ’’Marka uu qofka wax iibsanayaa yiraahdo haye, waxaa uu midka wax iibinayaa ka codsanayaa inuu sameeyo xaqiijin qoraal ah isagoo adeegsanaya farriin SMS ah,” ayuu yiri.

Hadalsame Media