Shacabka Woqooyiga Kuuriya oo 11 maalmood QOSOLKA laga mamnuucay + Sababta

0

(Pyongyang) 20 Dis 2021 – Shacabka Waqooyiga Kuuriya oo gaaraya 26 milyan oo qof ayaa lagu soo rogay amar ah in aysan qosli karin Mudo 11 maalmood ah.

Amarka qosol la aanta ah ayaa ku eg saqda dhexe habeenka 29-ka Diseembar.
Ujeedka loo mamnuucay in la qoslo ama la farxo ayaa ah in la muujiyo murugo waana sanad guuradii 11 aad ee ka soo wareegatay geeridii Hogaamiyihii hore ee Dalkaasi Kim John Il oo ahaa aabaha dhalay Madaxweynaha hada joogo Kim John un oo 37 jir ah.
Hadaba dowlada ayaa Boqolaal kun oo Ciidamada Boolis ah ku soo fasaxday Guud ahaan dalkaasi si ay dadka afkooda u ilaaliyaan.
waxaana cidii lagu helo iyadoo qosleyso ama dhoola cadeyneyso lagu fulin doonaa ciqaab ah in aan mar danbe la arag.

Sidoo kale mudadaasi 11 maalmood ah waxaa la joojiyay ka ganacsiga iyo cabitaanka khamriga.

W; D: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media