(Haydrabad) 20 Dis 2021 – Gabar ka mid ah ardayda wax ka barata dalka Hindiya ayaa soo dirtay qayladhaan ay kaga hadlayso dhibaato halkaa ka taagan oo ku saabsan rag Soomaaliyeed oo inta Hindiya taga halkaa ku guursada gabdho ay si KMG ah uun u doonayaan, balse aanay wax mustaqbal ah u haynin.
Gabadha ayaa soo qaadatay dhowr kiis oo ay sheegtay inay sumcad xumo u keeneen Soomaalida, gaar ahaan ardayda halkaa wax ka barata.
Ragga arrintan sameeya oo badanaa ah qaar muddo kooban halkaa joogaya oo caafimaad, ganacsi iyo arrimo kale halkaa joogaya, balse waxay Hindidu u haystaan inay arday yihiin.
Waxaa xitaa jira dad Hindi ah oo arrintan dadka ka baraarujiya iyaga oo soo fariisinaya gabdho yar yar oo ay nimankaasi beleeyeen oo ay qaarkood ilmo yar yar uga tageen, iyagoo xitaa Soomaalida ku eedeeyen inay iibiyaan waxyaabo kale oo qashin ah.
Hadalsame Media