Yaa ugu badan dadka uu haatan soo ridanayo nooca cusub ee Omikron?!

0

(London) 18 Dis 2021 – Dadka ugu badan ee haatan cudurka Covid u jiifa isbitaallada ayaa la sheegay inay yihiin kuwa aan weli is tallaalin.

Dr Ewen Cameron, oo ka tirsan isbitaalka Addenbrooke ee Cambridge ayaa sheegay in “80% ka mid ah bukaannada bilihii ugu dambeeyey uu soo ritey cudurka Covid ay yihiin qaar aan tallaal qabin.”

Waxaa arrin murugo leh in dadkani aanay bixin dedaalkii loo baahnaa, iyadoo Khamiistii 35 qof oo isbitaalka la keenay 6 ka mid ihi ay xaalad halis ah ku jiraan.

“Si ahaan waa murugo waa bukaanno aan tallaalnayn markaasoo ay ku geleyso in xaaladdooda wax laga qaban kari lahaa haddii kale.” ayuu yiri.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in kuurada 3-aad ee Covid ay jirka ku kordhinayso daafac 85% ah oo uu kaga gaashaanto nooca cusub ee Omicron.

Hadalsame Media