Waa kuwee 2-da dal ee qura ee ka codeeyey qaraar ay QM kasoo saartay cunsuriyadda?! (Somalia oo codaysay)

0

(Hadalsame) 18 Dis 2021 – Golaha Guud ee QM ayaa soo saaray qaraar cusub oo lagu cambaaraynayo Naasiyadda cusub (neo-Nazism) iyo nooc kasta oo cunsuriyad ah, kaasoo ahaa mid uu wax ka wadey Ruushku.

Yeelkeede, dalalka Maraykanka iyo Ukraine ayaa noqday 2-da dal ee qura ee qaraarkan ka codeeyey, halka 49 dal oo kale oo Maraykanka olog la ihi ay aamuseen.

Qaraarkan oo uu halku dheggiisu ahaa hallala “tacaalo amaanidda Naasisimka cusub iyo dhaqamada kale ee u dhigma” ee gacanta ku leh cunsuriyadda, shisheeye nacaybka iyo dulqaad xumada.

Waxaa u codeeyey 130 dal oo ay ku jirto Somalia iyadoo codaynta la sameeyey Khamiistii. Moscow ayaa qaraarkan si sanadle ah u horkeenta QM iyadoo ay Washington iyo Kiev dhowr mar ka hor jeesteen.

Hadalsame Media