Sweden oo tarxiili karta dad badan oo Ingiriis ah, waqti kama dambayn ah oo loo qabtay & shuruudda (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2021 – Hadda toddobaadyo kaliya ayaa ka hartay xilliga kama dambaysta ah ee muwaadiniinta Ingiriiska ah ee ku nool dalkaan Iswidhan ay ku khasban yihiin inay codsadaan daganaanshaha dalkaan Sweden, taasoo ah kama danbeyn 31-diseembar haddii kale waxa ay halis ugu jiraan in dib loo tarxiilo.

Jonas Colting oo ah isku dubaridaha arrimaha Brexit ee Laanta Socdaalka ee Swden ayaa sidaasi sheegay. ”Haddii ay sidaas tahay, oo aad ku sii sugnaato Iswiidhan si sharci daro ah, waad baxaysaa.” ayuu yiri.

Ilaa hadda, 11,500 muwaadin Ingiriis ah ayaa soo codsaday sharciga degenaanshaha, qiyaastii 5,000 ayaa la siiyay dhalashada Iswidhishka tan iyo markii uu soo baxay go’aankii Brexit.

Hadalsame Media