(Muqdisho) 15 Dis 2021 – Maraykanka ayaa markale ka hadlay doorashada ku socota qaabka caajiska ah ee Somalia taasoo markii bil ama 2 la joogaba 10 qofood la doorto.
Safaaradda ayaa haatan waxay soo qortay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka oo sida muuqata lagu suntay madaxda Maamul-goboleedyada oo la fahamsan yahay in ay haatan iyagu lug jiidayaan doorashada.
”Waxaannu ku boorrinaynaa in la qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, loo dhan yahay, islamarkaana ah nidaam sal ballaaran oo ku dhisan geeddi-socod la aqoonsan yahay.” ayay soo qoreen.
Si kastaba, doorashada Somalia ayaa iimo badan laga sheegayaa sida in dadka qaarkood aanba loo ogolayn inay tartamaan marka laaluusha faraha ka baxay laga soo tago.
Hadalsame Media