”Ma illaawi doonno!” – Itoobiyaan badan oo ka mahadceliyey hiillo siyaasadeed oo caalami ah oo ay Somalia ka heleen

0
The United Nations Human Rights Council in Geneva, seen earlier this year during a presentation on the conflict in Syria. On Tuesday, Secretary of State Mike Pompeo and Ambassador Nikki Haley announced that the U.S. will be withdrawing from the council.

(Geneva) 15 Dis 2021 – Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa ku kala qaybsamay in kulan gaar ah laga yeesho xaaladda xuquuqul insaan ee Itoobiya.

Yeelkeede, dhamaanba 13-ka dal ee Afrika ugu jira Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM oo caadiyan 47 xubnood ka kooban ayaan midkoodna u codaynin tillaabadan.

Waxaa mooshinka dabada ka riixayey dalal reer Galbeed ah sida UK, Talyaaniga, Germany, France iyo Denmark, balse 17-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha iyo 35 aan xubno ka ahayn oo taageeray midkoodna Afrikaan ma ahayn.

Waxaa xusid mudan in dalalka 13-ka ah ee Itoobiya u hiilliyey ay ka mid tahay Somalia oo ka mid ah Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM, waxaana haatan baraha bulshada ka soconaya doodo ku saabsan dad Itoobiyaan ah oo arrintaa abaal uga haya Afrika.

Mid ayaa soo qoray waxaan la yaabay sababta aysan Somalia hal midabna uga qaadanin calankeenna qaanso-roobaadka ah, iyadoo uu mid kale ku jawaabey walaalnimada ayay ka qaateen. Qaar kale ayaa bogaadinaya hiillada siyaasadeed ee Afrika oo naadir ah.

Kulankan ayaa si kastaba qabsoomaya Jimcaha soo aaddan, maadaama uu helay 3 meelood iyo hal meel ka mid ah 47-da xubnood oo shuruud ah in kulanka loo fariisto.


Hadalsame Media